Ciidanka DANAB xoogga Dalka ayaa Saaka Howlgal ka wada Deegaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere oo Al Shabaab maamusho.

Guddoomiyaha Deegaanka ayaa Xaqiijiyay in Xiligaan uu socdo Howlgalku lagu qabtay dad lagu Tuhmaayo Al Shabaab.

Sido kale Gudoomiyaha ayaa Sheegay iney faah faahin intaas ka baxsan ay ka bixin doonaan howlgalka ka socda Camaara.