+

Warbixin laga sii daayay Idaacadda ku hadashada afka Al Shabaab ayaa looga hadlay Weerarkii Maalmo ka hor ay ka fuliyeen Degmada Awdheegle ee Gobalka Sh/Hoose.

Al Shabaab ayaa ku sheegay Magacyada labada ruux ee is qarxiyay iney kala ahayeen Nuur Ibraahim Xasan Gaabow Iyo Muxamed Deeq Ibraahim Aadam oo labadaba isku Qarxiyay Saldhiga Awdheegle.

1- Ragga weerarka fuliyay oo katirsanaa Al Shabaab ayaa kala ahaa  Maxamed Deeq Ibraahim Aadan oo kasoo jeeda beesha Dir gaar ahaan jufada gaadsan, ku dhashay deegaanka gobolka Bakool.

Max’med Deeq ayaa isagoo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo weeraray ciidamo ku sugnaa afaafka hore saldhig Awdheegle

2- Manuur Ibraahim Xasan Gaaboow oo kasoo jeedo beesha Raxanweyn gaar ahaan Jilible ayaa ahaa dagaalyahankii labaad ee fuliyay weerarkii saldhigga Awdheegle.

Cutubyo katirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehlinayaan Saraakiil Amisom iyo Mareykan ah ayaa la wareegay degmada Awdheegle iyo deegaano kale oo sanado ay maamulayeen Dagaalyahanada Al Shabaab oo markii dambe laga fara maroojiyay gacan ku heyntaasi.