Wararka ka imaanaya galbeedka Yugaandha ayaa Sheegaya in Ugu yaraan 10-ruux ay ku dhinteen Qarax ka dhashay Gaari waday Shidaal oo markii dambe ku dhacay Gadiid kale oo halkaasi ka ag dhawaa.

Saraakiisha booliska Dalkaasi ayaa war ay soo saareen ku sheegay in dadkaasi  dhintay ay gubteen ka dib kolki shidaal uu waday Gaarigaasi uu qabsaday dab.

Illaa 30-meherado oo kuwa ganacsiga ah ayaa ku gubtay qaraxii ka dhashay shidaalka saarnaa Gaarigasi,waxaana Afhayen u hadlay ciidamada Boliiska dalka Yugandha uu sheegay in laba Gaari oo Taksi ah iyo mid kale oo siday 20-qof ,ay soo gaareen waxyeello.