Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xalay la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa kala hadlay Xildhibaanada Cusub sidii codadkooda ay u sii lahayeen, maadaama uu yahay Musharax.

Xildhibaanada ayaa dhankooda sheegay iney sii doonaan codadkooda, inkastoo ay jiraan Xildhibaano aan u sameyn balan qaad oo ka aamusay Kulanka oo ahaa Casha sharaf intii uu socday.

Sido kale waxaa magaalada Kismaayo lagu soo rogay Bandow soconaya ilaa Maalinta Jimcaha.