Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Magacaabista Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Iyo qaar katirsan Taliyaasha Guud ee ciidanka qalabka sida.
War qoraaal ah uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad ayuu sheegay inuu madaxweyne Farmaajo aruursaday ama isku duwday dad wax u dila ama lagu yaqaano wax dilka.
“Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, lkn aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Sido kale Xildhibaanka ayaa sheegay inuu Madaxweynaha ka fakaraayo wadadii shalay lagu hoogay ee dagaaladii iyo dilalkii dadka walaalaha ah ay horay isugu geysan jireen oo kale.
“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay” ayuu yiri Xildhibaanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay magacaabay Cumar Finish oo kamid ahaa jiray hogaamiye Kooxeedyadii dagaalada badan muqisho kula galay Maxakiimtii Isaamiga Iyo Hogaamiye Kooxeedyo kale.