Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaas qarax lagula eegtay Kolonyo ciidan oo halkaasi marayay.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi lala eegtay ciidamo katirsan Milataryga Mareykanka Iyo kuwa Jubbaland oo marayay duleedka magaalada Kismaayo.

“Gaari Hamar ah ayaa ku burburay, waxaana jira Meydka Askari katirsan ciidamada Jubbaland oo lageeyay garoonka diyaaradaha Ksimaayo, iyadoona khasaaraha gaaray askarta caddaanka ah lagu daabulay diyaarado nuuca qumaatiga ukaca ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada Jubbaland oo la xiriirta Qaraxa miino oo Al Shabaab sheegteen iney khasaare ku gaarsiiyeen ciidamo cadaan iyo Soomaali ahaa.