Shirkadda Hormuud Telecom ayaa war Saxaafadeed kasoo saartay Burburin dowladda Kenya ay ku heyso Xarumaha Shirkadaasi ay ku leedahay gudaha Gobalada Soomaaliya.

“Markii 12 aad muddo ka yar laba sano ayaa Ciidamada Kenya waxay burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ee tuulada Caws-Qurun oo ku taalla gobolka Gedo.

“Abaare saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha 22 kii Agoosto 2019. Ciidamada Kenya ayaa u adeegsaday burburinta xarunta miinooyin xoog badan oo burburiyay dhammaan qalabkii yaallay xarunta sida Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta oo gabi ahaanba burburay”

Dowladda Kenya ayaa marar badan Duqeymo ama Miinooyinka dhulka lagu aaso ku burburisay Xarumo badan oo Shirkada Hormuud oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ay ku leedahay Gobalada Dalka.

Halkaan Hoose ka Akhriso War Saxaafadeedka Shirkadda Hormuud Telecom