Saraakiishii Ahlu sunna ee ku biiray dowwladda Soomaaliya ayaa sheegay ineysan kasii mid ahaan doonin Saraakiisha ciidamada xoogga, mar hadii dowladda fulin weyso heshiiskii Ahlu sunna.
Mid kamid ah Saraakiishaasi oo ka hadlay kulan ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay Sababta sheekh Shaakir ay uga mid noqdeen Ciidamadda dowladda, hadana hadii dowladda dhaxe ay ka dhaga fureysato fulinta heshiiskii dhax maray hogaanka Ahlu Sunna Iyo dowladda ay iyagana ka bixi doonaan balanka.
Dowladda Soomaaliya ayey uga digeen iney ka baxdo heshiiskii ay la gashay hogaanka Maamulkii Ahlu Sunna ee dhuusamareeb.