Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ciidamo katirsan Milataryga Soomaaliya lagula eegtay Carwadii hore ee Taleex.

Goobjooge ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay gaariga Qaraxa lala eegtay inuu ahaa nuuca Dagaalka oo ay la socdeen ciidamo katirsan kuwa difaaca dowladda Soomaaliya.

Inta la Xaqiijiyay Darawalkii gaariga Qaraxa lala eegtay ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay ruux shacab ah oo wadada marayay.

Sido kale Ciidamo katirsan dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaa oo halkaasi ka sameynaya dhaqdhaqaaqyo Ciidan.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com