Al Shabaab ayaa beenisay hadal kasoo baxay Saraakiisha Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in la qabtay sarkaal ka tirsan xafiiska Warbaahinta Al Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Al-Shabaab oo la hadlay Idaacada Afkooda ku hadasha ayaa faah faahin ka bixiyay arimahaasi.

“Ninka ay sirdoonka dowladda sawirkiisa kusoo bandhigeen baraha internetka ee ay ku sheegayaan inuu yahay sarkaal ka tirsan warbaahinta Al Shabaab ma ahan waxa ay ku sheegayaan kama tirsana weligiisna kama mid noqonin xafiiska warfaafinta ALqaacidda, wax xiriir ah oo kala dhexeeya xafiiska wafaafintana haba yaraatee ma jiro” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada NISA ayaa Sheegay in gacanta lagu dhigay Xubin sare oo kamid ah Warbaahinta Al Shabaab, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda, kaa oo ku sugnaa degmada Howlwadaag.