Somaaliland ayaa ka hor timid in mashruuca horumarinta waddooyinka ee Eng. Yariisow aan laga hirgalin karin deegaanada Somaliland gaar ahaan magaalada Xeebeedka Berbera.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda Qorsheynta Somaliland ayaa lagu sheegay in aan mashruucii ay kala saxeexdeen Dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee horumarinta Waddooyinka Muqdisho iyo Berbera aanay dawladda federaalku ka fulin karin gudaha Somaliland.


Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah u kala Saxiixday 23 Milyan Yuuro oo midawga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.
Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada.