Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Saacad ka badan qaatay oo ka dhacay deegaanka Cumar Dheere ee duleedka Afgooye Gobalka Shabeelaha Hoose.

Xubno la aaminsan yahay iney katirsan yihiin Al Shabaab ayaa Wadada u galay Ciidamo katirsan dowladda oo marayay duleedka Afgooye, kuwaa oo kusii jeeday Furumaha hore dagaalka Gobalkaasi.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab ee ka dambeeyay Weerarka.

Sido kale ilaa hada lama oga Khasaarahaa ka dhashay dagaalka, maadama wali wax war ah uusa kasoo bixin laba dhinac.