Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qarax miino oo goordhaw ka dhacay degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Goobjooge ku sugan degmada ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay Qaraxa inuu ahaa miino la kacday dad Xoogsato ahaa oo Jarayay geedo ku hareero yaala Fariisin ciidamada dowladda halkaasi ay ku leeyihiin.

Inta la Xaqiijiyay laba ruux ayaa dhimatay halka 4 kale ay dhaawacmeen, kadib markii ay la kacday ama ku qaraxday miino lagu aasay Fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Awdheegle.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa, sido kale wax war au kama soo bixin Saraakiisha ciidamada dowladda.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay Degmada Awdheegle oo kamid ah deegaanada Sanadaha badan ay maamulayeen Dagaalyahanada Al shabaab