Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Awdheegle ayaa Sheegay in Muqdisho loosoo qaaday qaar kamid ah dad ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay Awdheegle.

“Cadowga Al-shabaab oo mar walba u taagan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa shacabkii waday jarista geedaha iyo nadaafadda  ku qarxiyay miino nooca Remote control ah oo meelaha fog fog laga hago 4tii Bishan,taas oo sababtay dhaawaca 7ruux oo shacab ah,ayadoo hal ruux ugu dambayntii uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Saraakiisha Xoogga dalka.

Sido kale Saraakiisha ayaa Sheegay dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi in diyaarad looga soo qaaday degmada Awdheegle, hada xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo Caasimada Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga oo garab ka helaya Milataryga Amisom iyo kuwa Saraakiisha Mareykanka ayaa kordhiyay Weerarada ka dhanka ah Xubnaha Al shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.