Qaban qaabada soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha oo ka socota garoonka kubbadda cagta Dr. Ayuub ee magaalada Baydhaba.

Boqolaal Shacab ah ayaa hada ku sugan gudaha Garoonka, kuwaa sugaya imaanshaha Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan maanta Magaalada Caasimad KMG u ah Koofur Galbeed.

Sido kale Shacab badan oo isticmaala Baraha Bulshada oo kasooo Jeeda deegaanada Koofur galbeed ayaa daliilsan ama diidan tagista Kheyre ee Magaalada,kuwaa oo u sabab uga dhigaya dowladda Soomaaliya iney ka qeyb qaadatay Shacab lagu laayay Banaanbaxyo ka dhacay Baydhabo ka hor doorashadii Madaxweyne Laftagareen.

Dhanka kale Amaanka magaalada ayaa saakay la adkeeyay, waxaana ku sugan Isgoysyada Caasimada KMG ciidamo badan.

Sawiradda waaa garoonka kubbadda cagta Dr. Ayuub