Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ayaa sheegaya in Xubno katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen meel ku dhow saldhigga ciidamada KDF ay ku leeyihiin deegaanka Ceelraam.

Al Shabaab ayaa Sheegtay in weerarka lagu dilay ugu yaraan  9 askari Kenyaan ah islamarkaana lagu gubay illaa Afar gaari oo qaarkood ay yihiin nuuca gaashaaman ee Taawga loo yaqaan.

Dowladda Kenya wali wax war ah kamasoo bixin oo ku aaddan weerarkan ka dhacay deegaanka Ceelraam.

Al Shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa marar badan sidaan oo kale ugu dagaalamay gobolka Soomaalida ee Mandheera.