Warar dheeraad ay ayaa kasoo Kordhay Tiro Madaafiic oo loo adeegsaday Hoobiyaaal ayaa maanta lagu garaacay Dhismayaal ku yaalla Madaxtooyada Soomaaliya Iyo Meelo ku dhawdhaw.

Madaafiicda oo tiro ahaan gaarayay 3 Saddex Hoobiye ayaa ku kala dhacay Safaarada Dowladda Itoopiya oo ku dhaw Wasaarada Warfaafinta oo ku dhax taal Madaxtooyada Soomaaliya

Hoobiyaha 2aad ayaa ku dhacay Nawaaxiga Taliska Booliska Kumaanda Polisio ee Magaalada Muqdisho.

Madfaca 3aad ayaa asna ku dhacay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Meel ku dhaw Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ilaa hada majirto Khasaare la Xaqiijiyay oo ka dhashay Madaafiicdaasi Hoobiyaasha ahaa ee lagu duqeeyay Villa Soomaaliya.

Sido kale majirto cid Sheegatay Mas’uuliyada Weeerarkaasi.

Maha Markii ugu horeysay oo Madaafiic lagu garaaaco Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana dhowr jeer madaafiiic khasaare dhimasho iyo dhaawac geysatay lagu duqeeyay Villa Soomaaliya.