Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday goob ay ku sugan yihiin ciiddamo la qarameynayo si qayb uga noqdaan la dagaalanka Al Shabaab.

Wasiirka difaaca Soomaaliya iyo madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta ciidanka kula hadlay garoonka kubbada Cagta Dr. Waarebi, wuxuuna sheegay Kheyre in dhammaan ciidamada la qarameynayo, la qalabeynayo, xuquuqdoodona ay dowladdu bixineyso si ay cadawga uga dul-qaadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Tiyeglow iyo Rab-dhuurre, waaa sida hadalka uu u dhigay Ra’iisal wasaare Kheyre.

Ciidamada la qarameynayo ayaa isugu jiray kuwa mardhaw tababar kasoo baxay iyo kuwa katirsan maamulka Koofur Galbeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Isbitaalka Xudur Iyo Guriga Martida isagoo xarigga ka jaray mashruuc nalalalka cadceedda ku shaqeeya oo laga hir-geliyay magaalada.