Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay gudiga dib-ufurista wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho taas oo ay baahi weyn u qabaan shacabka caasimada.

Gudigaan la magacaabay waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Mohamed Tuulah.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Finish ayaa 29 bisha August 2019 balan qaaday in uu dib u furi doono wadooyinka Muqdisho kuyaala ee xiran, kuwaa oo dhibaato badan ay ku qabaan Shacabka.