Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Degmada Dinsoor ee Gobalka Baay.

Mas’uul katirsan maamulka degmada ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay Qaraxa in lala eegtay Guddoomiyaha Magaalada Diinsoor Ibraahim Shigshigoow Iyo Saraakiil ciidan oo la socotay.

Inta la Xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhimatay 2 Ruux oo Shacab ahaa iyo Afar Askari oo katirsanaa Ilaalada Gudoomiyaha.

Sido kale waxaa la sheegay inuu ka badbaaday Qaraxaasi Gudoomiyaha, balse Dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Ilaaladiisa.

Wali majirto cid Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi.