Dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay Shaqsiyaadka fuliya amarrada Al shabaab, kadib markii ay shaaciyeen ama Soo bandhigeen Boqolaal odayaal dhaqameedyo ah oo tagay deegaanadooda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa lagu cambaareeyay Muuqaalada Iyo Codadka ay soo bandhigeen Al shabaab oo lagu sheegay bahdil Iyo xadgudub.

Dowladda Federaalka waxaa ay sheegtay in si xooggan loo wiiqay awoodda Xoogaga Al shabaab, isla markaana bilihii lasoo dhaafay Hogaamiyaal u adkeysan waayay iska caabinta xoogga dalka isisoo dhiibeen, halka kuwa kalana ay ciidamada amnigu soo qabteen.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walba oo xiriir wada shaqeyn ah la yeelata garabka Alqaacidda ee Soomaaliya Al shabaab.

Al Shabaab ayaa Maalmihii lasoo dhaafay is daba joog usoo bandhigayay Odayaal Dhaqameedyadii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaa oo fuliyay Amarka ama baaqa Al Shabaab oo ahaa iney iska diiwaan galiyaan deegaanadooda.