Qabiir u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Professor Paul Williams ayaa soo bandhigay Tirada Dhimashada Ciidamada Amisom ee Gudaha Soomaaliya Inta u dhaxeysa 2014kii ilaa 2018.
Professor Paul Williams ayaa ku sheegay iney ku dhinteen gudaha Soomaaliya 1,800 oo ka tirsanaa Ciidamada Milataryga Amisom.
Sido kale wuxuu Tusaale usoo qaatay Warbixin uu soo saaray Midowga Afrika oo muujineysaa magdhowga la siiyay Ciidamada AMISOM ee xilligaas dhintay ama dhaawacmay iney lacagta gaareyso $74.6Milyan oo doollarka Mareykanka ah, 79% lacagtaas waxaa ay ku baxday magdhowga kuwa dhintay halka 21% ku baxday kuwa dhaawacmay ee katirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta.
Ciidamada waxyeellada soo gaartay ayey warbixinta ku tilmaantay 1,179 Askari oo Magdhow dhimasho ah la siiyay iyo 1,567 Askari oo magdhow dhaawac ah la siiyay Xiligaaasi.
Kumanaan Ciidamo ka socda Dalalka Afrika ayaa ka howlgala Gudaha Soomaaliya kuwaa oo taageero ka hela Diyaaradaha Mareykanka, Faransiiska Iyo Ingariiska Iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga Taliyaaniga ee qeybta ka ah Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
