Taliye Ku Xigeenka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa Goordhaw Shaacisay in Ciidamada CID-da ay gacanta kusoo dhigeen Shabakad Caruurta ka Ganacsada.

Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween.

Sidoo kale waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ah beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka boliiska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.