Hay’ada Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa la sheegay iney sameysay is badal dhanka technology-da ah oo hada ay la jaan qaadi karto Sirdoonada kale ee Caalamka.
Xubin sare oo katirsan Hay’ada oo la hadlay Kalsantv ayaa Sheegay 9-kii bilood ee lasoo dhaafay Hay’ada iney sameysay is badal lataaban karo ayadoo dib u habeyn xoogan lagu sameeyey guud ahaan laamaha hay’ada iyo shaqooyinkeeda oo qaab casri ah loo diyaariyay.
Wuxuu tusaale usoo qaatay Howlgalo ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu sheegay in lagu bartilmaamedsaday Shabakado si dadban ula shaqeen jiray Saraakiil katirsan Al Shabaab.
Mas’uulkan oo ka gaabsaday in magaciisa loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa sido kale Sheegay hadii si wanaagsan loodhiso Hay’ada NISA in si fudud loo sugi karo amaanka gudaha Soomaaliya.
Sido kale wuxuu sheegay Teliyaha Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yasin Xaaji inuu sameeyay qorshe fududeynaya in sida ugu sahlan lagula socdo Shaqsiyaadka lala Xiriirinaayo iney katirsanyihiin Dagalamayaasha Al Shabaab.
Hay’ada NISA ayaa aheyd bari-samaadkii Sirdoon ka hormarsan wadamo badan oo Caalamka ku yaalla gaar ahaan Afrika Iyo Carabta, kuwaa oo ay ka gacan siin jirtay helida Xogaga qarsoon.
