Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil heyb sooc ah oo Caawa ka dhacay Degmada Xamarweyne ee Muqdisho.

Goobjooge ayaa Sheegay dilkan inuu dhacay kadib markii wiilka la dilay uu damcay inuu ka celiyo walashiis wiilka wax dilay oo Xiligaasi Gabadha u tumayay ama garaacayay maxaa ku daba dhigay ninkaas.

Sido kale Wiilkii Gabadha Walaashii Garaacayey ayaa Waxaa uu la soo baxay Maqas ka dibna Caloosha ayuu ka geliyey Wiilkii Walaashii Shukaansanayey intii la soo wadey isbitaalka ayuu geeriyoodey Wiilkii.

Ciidamada Booliska ayaa goobta gaaray, kuwaa oo halkaasi ka sameynaya Howlgalo lagu baadi goobayo gacan ku dhiiglaha.

Waa dhacdo foolxun oo dad badan Caawa ka argagaxeen.