Al Shabaab ayaa soo bandhigtay qoysas ay sheegeen iney kamid yihiin kuwa Muqdisho oo lagaco ay u qeybiyeen.

Gudoomiyaha Al shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa gudoonsiinayay Lacagaha dadkaasi oo la sheegay iney gaarayeen 150 qoys gaar ahaan kuwa danta yar oo ku nool degmooyin katirsan Caasimada Soomaaliya..

“Qoys walba oo kamid ah qoysaskaas 150 ah ayaa waxaa ay nasiib u heleen lacag gaaraysa $500 oo doolar taas oo ah qoondadii kaga soo aadday Zakadii ay Wilaayadu qaybinaysay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab.

Sido kale Gudoomiyaha Al shabaab ee Gobalka Banaadir oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo dadka ku dhaqan uu sheegay iney dhibaato dhan walba ah kala kulmayaan Dowladda Farmaajo.

Al Shabaab ayaa Sanadkii hore sidan oo kale Soo bandhigtay Muuqaalka Iyo Codadka Rag Iyo dumar ay sheegeen iney lacago ugu qeybiyeen qeybto kamid ah Magaalada Muqdisho.

Sido kale dadkii lasoo bandhigay Sanadkii hore waxaa lacagaha gudoon siinayay Afhayeenka Al shabaab Sheekh Cali dheere oo dowladda Soomaaliya ay Sheegtay inuu u dhintay dhaawac kasoo gaaaray dagaal dhax maray Ilaaladiisa Iyo kuwa Xoogga Soomaaliya.