Ciidamo katirsan kuwa difaaca Soomaaliya ayaa Weerar Xoogan ku qaaday deegaanka Jilib Marka ee gobalka shabeellada Hoose, halkaasi oo ay maamulaan ama gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Saraakiisha Ciiidamada ayaa sheegay dagaalka inuu ahaa mid culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay inuu ka dhashay Khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux aya ku dhimatay oo ahaa dhinacyada dirirtu dhax martay, waxaana jiro dhaawacyo ka dhashay dagaalka.

Wali war rasmi ah kama soo bixin Saraakiisha Xoogga Iyo kuwa Al Shabaab ee xalay lagu Weeraray deegaanka Jilib Marka.

Dhanka kale Magaalada Marka ayaa isku diyaarineysa imaanshaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hada ku sugan Gobalada Baay iyo Bakool ee Koofurta Soomaaliya.