Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay gudaha Magaalada Kismaayo ku dhaawacay Guddoomiyahii guddigii sheegay iney badbaadinayaan Jubbaland Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in hada ay ka wanaagsan tahay sidii hore oo Xaalada Gudoomiyha lala tacaalayo.

Sido kale wuxuu sheegay in lagu raad joogo ragii ka dambeeyay Toogashada aan dhimashada ee loo geysantay Guddoomiyahii guddigii sheegay iney badbaadinayaan Jubbaland.

Afhayeenka ayaa sido kale Sheegay in amaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan oo ciidamada daraawiishta Jubbaland gaaf wareegayaan Xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo Xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saakay laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya Xaalada iney tahay mid dagan, balse ciidamada Jubbaland howlgalo lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyay Weerarkii Xalay ay ka wadaan gudaha magaalada.