Wararka ka imaanaya magaalo madaxda Gobalka Shabeelaha hoose ee Marka ayaa sheegaya inuu Saakay halkaasi ka socdo dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay Sameynayaam Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa Saakay ayaa daba socday howlgalo xalay ka dhacay duleedka degmada oo la sheegay in lagu baadi goobayay rag shalay Qarax khasaare geystay la eegtay Mas’uuliyiin katirsan maamulka degmada Qoryooleey iyo kan Marka.

Qarax shalay ka dhacay dueedka marka ayaa waxaa ku dhaawacmay Wariye, Guddoomiye ku xigeenkii Amniga Qoryooley Iyo xoghayihii degmaddaasi.

Sido kale waxaa ku dhintay askar ilaalo u aheyd Wafdigaaasi la kulmay Qaraxa miino.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya Xalay ilaa Saalay inuu socdo dhaqdhaqaaqaasi Ciidan.