Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa war kasoo saaray howlgal dhalinyaro lagu soo qabqabtay oo ka dhacay duleedka magaalada Balcad.

Taliyaha Qeybta 27aad General Maxamed Maxamuud Tredishe oo ka hadlay howlgaladan ayaa sheegay in lagu qabtay 25 ruux oo lala xiriirinayo Al Shabaab.

Sido kale wuxuu sheegay taliyaha in ciidamada Xoogga ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Xarakada Alqaacidda oo maalmihii ugu dambeeyay la sheegayay in lagu arkayay deegaano hoos yimaada magaalada Balcad.

Wadada dheer ee isku xirta muqdisho iyo Balcad ilaa Jowhar ayaa noqotay mid ka halis badan wadooyinka gale ee gobalka, maadaama 5 maalin ee lasoo dhaafay lagu dilay 12  askari oo Amisom katirsanaa iyo Mas,uuliyiin uu ku jiray Wasiir ganacsi iyo gudoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeelaha dhaxe.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ugu baaqay dowladda dhaxe iney wax ka qabato amaan darida wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.