Ciidamada dowladda ayaa Saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Wadooyinka saakay Xiran ayaa waxaa kamid ah Shaqaalaha KM4 Soobe iyo isgoysyada qaar ee dhax mara degmooyin katirsan gobalka Banaadir.

Sababta rasmiga ee loo xiray wadooyinkaasi lama sheegin, balse warar hoose ayaa sheegaya in gadiid badan oo wada Mas’uuliyiin katirsan dowladda ay gudaha u galeen Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Dhanka kale banaanbax xoogan ayaa ka socda Isgoyska 4ta Darjiino ilaa degmada Xamarweyne, kaa oo looga soo horjeedo lacago xad dhaaf ah oo lagu soo rogay gadiidka dadweynaha Gobalka banaadir, xili ay xiran yihiin wadooyinka waaweyn ee magaalada.