Ciidanka Ammaanka Baladweyne oo Miino ka saaray Waddada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif iyo Magaalada Baladweyne

Ciidamada Ammaanka ee ka howgala Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney kasoo saareen waddada isku xirta Baladweyne iyo Garoonka Diyaaradaha miinooyin lagu aasay.

“Waddada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif iyo Magaalada Baladweyne ayay Ciidanku ku guuleysteen in ay ka saaraan walxaha qarka oo Al Shabaab ay halkaas ku aaseen si ay dadka Soomaaliyeed ugu dhibateeyaan” ayuu yiri Sarkaal u hadlay ciidamada.

Sido kale Miinadaas ayaa waxaa loo qabtay labo qof oo looga shakisan yahay inay iyagu aaseen kadib howlgal balaaran oo Ciidanka sameeyeen.

Wadada lagu aasay miinada ayaa ah wado inta badan ay isticmaalan ciidamada amisom iyo kuwa dowladda.