Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo qamiis ah 19 September 2019 shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada.

Kulanka ayaa ugu horayn lagaga hadlay arimo kala duwan gaar ahaan nabadgalyada waxaana la isku raacay in dhamaan shirarka iyo kulamo ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin Magaaalada Kismaayo laga bilaabo 20 bishan Sept, iyadooona la faray ciidanka ammaanka inay muujiyaan feejignaan buuxda.

Sido kale Fariin ka kooban Saddex qodob ayaa loogu diray Beesha Caalamka.

1) In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay abaabuleyso Duulaan iyo Xasarad amni darro oo ku wajahan Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaayo, waxaan ku wargelineynaa Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeed wixii dagaalkaas ka dhasha ee khasaaro ah inay masuuliyadeeda qaadayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah.

2) Waxaan Hey’adaha Gargaarka ugu baaqeynaa inay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka tabaaleysan ee Jubbaland.

3) Waxaan Beesha Caalamka ugu baaqeynaa in Xayiraadda iyo cunqabateynta sharci darrada ah laga qaado Shacabka Jubbaland.

“Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in xayiraadda iyo cunaqabateynta sharci darrada ah laga qaado shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Jubbaland.