Kooxo hubeysan ayaa maanta Marxuum Cabdulahi Ciribeey Maxamud (bakaati) oo ahaa Askari katirsan Ciidamada dowladda ku dilay Isgoyska 4ta Darjiino ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta, kuwaa oo halkaasi ka qaaday meydka Askariga.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilkaasi.

Sido kale Laama booliska kama aysan hadlin.

Toogashada kadib ciidamo katirsan dowladda ayaa halkaasi ku qabqabtay dhalinyaro lala xiririinayo iney ka dambeeyeen ama wax ka ogaayeen dilkaasi.