Koox Hubeysan ayaa Agagaarla laanta Suuq bacaad ku dilay Nabadoon C/raxmaa Axmed Cabdulle oo ku magac dheer AUN Nabadoon Qaloosh.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay halka ay toogashada ka dhacday iney u dhawdahay Laanta Xaafada Suuq bacaad oo ay ku sugan yihiin, ciidamo katirsan dowladda oo ilaala ka haya Laantaasi.

“Nabadoonka wuxuu fadhiyay Goob ganacsi oo aan sidaa ugu fugeyn laanta Suuqbacaad oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Dowladda” ayuu yiri Goojooge.

Kooxdii dilka Geysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana Marxuunka uu ku geeriyooday isla Goobta.