Wadahadallo saddax geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha Masar Cabdulfataax Al Siisi ayaa ku soo idlaaday is faham.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan ahna Madaxweynaha Masar  Cabdulfataax Al Siisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqaynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya sido kale u mahadcelisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan.