Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho kaddib codsi uga yimid shacabka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali ayaa goor dhawayd Warbaahinta uga warramay go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo.
Dhibaatooyin badan ayaa ka dhashay Xayiraadii dhanka duulimaadyada Shacabka Jubbaland.