Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inuu maanta kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh ayaa Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, wuxuuna sheegay inuu aadayo Muqdisho shaqo kadibna uu dib ugu laaban doono magaalada Hargeysa ee caasimada Soomaalilan.

Somaliland iyo maamulka Khaatumo ayaa waxaa horay u dhax maray heshiistoyo badankood aan fulin.