Wararka ka imaanaya magaalada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Saakay uu dagaal ku dhax maray Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa dowladda Jabuuti Iyo Ciidamada maamulka degmada.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo kadib markii Ciidamada Jabuuti ay isku dayeen iney damiyaan Anteenada Shirkada Isgaarsiinta Hormuud, balse ay is hor istaag ku sameeeyeen Ciidamada maamulka magaalada Jalalaqsi ee G/Hiiraan.

Labada Ciidan ayaa waxaa dhax maray dagaal la aaminsan yahay inuu ka dhashay Khasaare dhimasho ah oo ka dhashay dagaalkaasi Saakay dhacay.

Ciidamada Jabuuti ayaa caadadooda aheyd mar walba oo ay sameynayaan baarista Miinooyinka iney jaraan ama damiyaan anteenada Shirkadaha isgaarsiinta oo dadka degmada lacagahooda moobelada ku wataan caqabado badana ay ku qabaan.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka degmada iyo Taliska Ciidamada Amisom gaar ahaan Jabuuti.