Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xalay Lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho iyo Ceelasha biyaha.
Dadka deegaanka ayaa sheegay Qaraxa inuu ahaa miinada kuwa dhulka lagu aaso ee meelaha fogfog laga hago, kuwaaa oo inta badan ay la kulmaan ciidamada Xoogga Iyo Kuwa Midowga Afrika.
Wali si rasmi ah looma Xaqiijin khasaaraha ka dhashay Qaraxa, maadama xiliga qaraxa uu dhacayay ay aheyd habeen oo faah faahin buuxda aan laga heli karin.
Warar hoose oo ay heleyso Kalsantv ayaa sido kale sheegaya in Qaraxa uu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Sida gaarka u tababaran ee loo yaqaan Haramacad.
Sido kale Wararka ayaa intaasi ku daraya Askarta Qaraxa la kulmay inuu hogaaminayay Taliyaha Ciidamadaasi oo lagu magacaabo Farxaan Qaroole..
Lama hubo khasaaraha kasoo gaaray Faarax Qaroole Qaraxa, balse waxaa jiro khasaare ka dhashay.
Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa labadii bil ee ugu dambeysay Qaraxyo kula kulmayay wadada dheer ee Xiriirisa muqdisho Afgooye,
Qaraxii uu ku dhintay Taliyii ugu horeeyay ee Danab.
Qaraxii lala Eegtay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya
Qaraxii Lala Eegtay Injineera dalka Turkiga
Iyo Qaraxyo kale oo halkaasi ka dhacay