War Goordhaw kasoo baxay Ciidanka ammaanka Jubbaland oo hawlgallo ka sameeyay galbeedka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dilay Hogaamiyaal ka mid ahaa Al shabaab.

Ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa hawlgallo ka sameeyay galbeedka Gobolka Jubadda Hoose gaar ahaan aaga deegaanka Beerxaani ayaa sheegay in halkaas lagu dilay 5 kamid ahaa Xoogaga Al-Shabaab.

Xubnaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay Carabaabeen ayaa waxaa kamid ah Madaxii Maaliyadda ee deeganada Miyiga Al-Shabaab u qaabilsanaa oo magac afgarashadiisu aheyd Cali.

Afhayeenka Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa Goordhaw Xaqiijiyay Jiritaanka in la dilay Madaxii Maaliyadda ee deeganada Miyiga Al-Shabaab.

Majirto cid ka madax baanan Saraakiisha Amniga Jubbaland oo xaqiijin karta Sheegashada warkaasi.

Al Shabaab dhankooda wax war ah kama soo bixin.