Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ka dib markii ay diyaarad nuuca Xamuulka ah ay shil ku gashay dhabaha dayuuraha ee Aadan Cade International.

Sido kale waxaa si ku meel gaar ah loo xiray dhabbaha ama wadada diyaaraduhu ka kacaan ama kasoo degaan ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaarada Shilka gashay ayaa lagu sheegay iney aheyd  nuuca Xamuulka oo lugihii ay ku dagi laheyd usoo bixi waayeen.