Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya iney is casishay Xaliima Cabdi Cali oo ah Xubin katirsaneyd guddigii loo magacaabay maamul u sameynta deegaanada Galmudug.

Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa Xalay magacawday Guddi ka kooban 13 Xubnood, kuwaa loo magacaabay Maamul u sameenta Galmudug.

Haweeneyda is Casishay ayaana noqoneysa Inanta kaliya ee Dumar ahaan kaga jirtay Guddigaasi.