Wafdi ka socda Kenya ayaa Goordhaw u duullay Magaaladda Kismaayo ee Caasimada KMG Jubbaland, kuwaa oo ka qeyb galaya Caleema saarka Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Madoobe.

Mas’uuliyiinta dowladda Kenya uga qeyb galeysa ayaa waxaa ku jira Xildhibaano katirsan labada gole ee dalkaasi.

Sido kale waxaa Su’aalo la iska weydinayaa in Wafdigaasi uu jabin doono amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha kasoo duulaya Caasimada dalkaasi ay soo maraan Muqdisho, inkastoo horay Go’aankaasi Kenya u hareer martay.

Wasaarradda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa mar kale soo saartay amar ah in duulimaadyada Caalamiga iyo kuwa gudaha ee aadaya Kismaayo inay soo maraan Magaalada Muqdisho.