Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera.

Gaariga Shilka galay ayaa ahaa nuuca Soomaalida u taqaan Koostarka ama Buska, kaa oo wadada laamiga ka baxay xili uu darawalka ku socday Xawaare Sare.

Inta la Xaqiijiyay 5 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday kuwaa oo loola cararay xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaaladq Berbera ee Somaaliland.

Wali wax war ah kama soo bixin Mas’uuliyiinta Maamulka Magaaladaasi oo la Xariira Khasaaraha rasmiga ee soo gaaray dadkaasi rakaabka ahaa.