War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegtay Mas’uuliyada Qarax Ciidamo katirsan kuwa sida gaarka u Tababaran ee Alpha Group maanta lagula Eegtay duleedka magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegay Qaraxa inuu haleelay gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen Ciidamada Mareykanka uu tababaray ee loo yaqaan Alpha Groupka.

War laga sii daayay Warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi ay ku nafwaayeen 5 Askari oo 3 kamid ah ay ahaayeen Saraakiil Ciidan.

“Qaraxa wuxuu ahaa miino waxaana ku dhintay Laba Askari iyo Saddex Sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Faarax Caato, 2-Daahir Cabdulle iyo Sharmaarke oo dhamaan Saarnaa gaarigaasi” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wali majirto cid ka madax banaan Al Shabaab oo ka hadashay Qaraxaasi, marka laga tago inuu ahaa Qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Alfa Group ayaa kamid ah ciidamada qaba tababarada casriga, kuwaa oo fuliya howlgala culus ee ka dhanka ah Al Shabaab.