Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah.

Dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo ku timid taladii ay xukuumadda siiyeen mawaadiniintii Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay gurmadkii loo sameeyay dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii October 14, 2017, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray howl-wadeennada ka shaqeynaya in ay sida ugu dhaqsaha badan xarunta u howl geliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee keentay fikirka xarungta lagu dhisayo iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay.