Kooxo hubeysan ayaa caawa bam gacmeed khasaare geystay ku Weeraray hoyga Mas’uul katirsanaa maamulka Hirshabeelle oo ku yaalla Jowhar.

Inta la Xaqiijiyay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Sh/Dhexe Muxumad Cabdi iyo Wiil uu dhalay.

Ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa gaaray goobta, kuwaa oo meesha kasoo qaaday meydka Marxuumka iyo Wiilkiisa.

Sido kale Baaritaano xoogan ayaa ka socda caawa gudaha magaalada, kuwaa oo lagu baadigoobayo shaqsiyaadkii ka dambeeyay Weerarkaasi caawa.

Wali majirto cid sheegatay Weerarkaasi caawa lagu qaaday Hoyga Marxuumka dhintay.