Dowaladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday iney Boqolaal ciidamo ah oo Cusub usoo dirtay gudaha Soomaaliya, kuwaa oo ka qeyb qaadanaya Dagaalka ka dhanka ah Garabka Alqaacidda ee Soomaaliya.

Saldhigga Gobolka Oregon ee dalka Mareykanka ayaa laga soo sagootiyay Ciidmadaasi oo kusoo wajahan qeybo kamid ah Gobalada dalka Soomaaliya.

Taliska guud ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay iney gaarayaan ciidamadaasi ku dhawaaq 500 Askari oo ka qeyb qaadanaya Dagaalka Al shabaab.

Ciidamada loosoo diray Soomaaliya ayaa katirsan Guutada 186aad ee Ciidanka lugta Mareykanka.

Ciidamo katirsan dowladda Mareykanka ayaa ka dagaalama gudaha Soomaaliya, kuwaa oo ka howlgala Saldhigga ciidamada ee Ballidoogle iyo Saldhigyo kale oo ku dhax yaalla Gudaha Muqdisho.

Xubno katirsan Al Shabaab ayaa Weerar dhowr gadiid oo Qaraxyo laga soo buuxiyay Ku weeraray Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, kuwaa oo sheegay iney ku dileen 121 Askari oo Mareykan ahaa iyo Saraakiil kale oo u badnaa Ajaanib.