Kooxo hubeysan ayaa gadiid khudaar waday ama siday ku gubey duleedka deegaanka Lambar60 oo katirsan deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay gadiidka la gubay iney gaarayeen ilaa Afar gaari oo ahaa kuwa Soomaalida u taqaano Hoomeyda ee khudaarta iyo BL ahaanta dad weynaha Loogu qaado.

Sido kale Darawaladii waday gaadiidkaasi ayaa la sheegay iney horay usii wateen Kooxdii ka dambeysay Gubida gadiidkaasi la sheegay qudaarta iney wadeen.

Gadiidka la gubay ayaa kusoo jeeday magaalada Muqdisho, mana jirto cid garaneysa sababta loo gubay.

Deegaano katirsan Gobalka Shabeelaha hoose ayaa marar badan waxaa loogu gubay gadiid fara badan oo halkaasi isaga kala gooshi jiray deegaanadaasi.